Qarax Qasaaro Geestay oo Caawa ka Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Warar laga Helaayo

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Qarax Gaari oo caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha biyaha iyo Siinka-dheer gaar ahaan Agagaarka isbaarada Shabeelle ee Duleedka Muqidsho.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay Gaari Cabdi Bile ah, kaasi oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay Warbaahinta  u sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale Warbaahinta waxa ay u sheegeen Qaraxan in ay ku dhinteen 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana kuwii dhaawacmay loo soo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Ciidamo gurmad ayaa ku baxay goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay caawa ka wadaan Howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay weerarkan Qaraxa ah ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Shalay ayay aheyd markii Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho uu galaaftay nolosha Toban ruux, halka Shan iyo Toban kalana ay ku dhaawacantay, kuwaasi oo lagu baxnaaninayo isbitaalada magaalada Muqdisho.