Qarax Gaari Loogu Xiray Xildhibaan oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahin laga helaayo

Qarax Miino oo ahaa mid lagu Xiray Gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa Galabta ka dhacay Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Waaxda Horseed.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay Saddex Qof oo Shacab ah islamarkaana uu ku jiro Darawalkii Gaariga oo lagu Magacaabo Cabdi Maxamed Raage iyo Labo Dumar ah oo Gaariga la socday.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Qarxay uu ahaa Allion,Sumaddisuna tahay AD7857,waxaana la sheegay in Xildhibaanka ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ee gaariga iska leh uusan Muqdisho joogin.