Misa Askari Ayaa Uganda Looga Dilay Weerarkii Gobolka Shabeellaha Hoose?

Wasiirradda Difaaca dalka Uganda ayaa shaacisay in 12-Askari looga dilay weerar shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wasaarradda waxa ay xaqiijisay in ay 7-kalena ay dhaawacmeen, aynna u rejeynayaan in ay durba soo bogsadaan.

Ehellada iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ayaa loogu tacsiyadeeyay war murtiyadeed kasoo baxay wasaarradda difaaca dalkaas.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar khasaaro badan ka dhashay oo ka dhacay deegaanka Golwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay dhankooda sheegteen in ay dileen dad aad u badan oo ciidanka AMISOM ee Uganda u badan.