Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Xukun Ku Ridday Askarigii Dilay Wasiir Siraaji

Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) oo 29 jir ayaa lagu xukumay dil, horaan, balse racfaan uu qaatay, ugu dambeyn maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa ku xukuntay dil toogasho ah.

Cayddiid waxaa lagu heystaa in uu dilay wasiirrkii hawlaha guud iyo dib u dhiska AUN mudane Cabaas Siraaji, horaantii bishii May ee sannadkan.

Weli se lama caddeyn xilliga rasmiga ee lagu fulinayo dilka toogashada ee lagu xukumay, maadaama maxkamadda racfaanka ay diidday in uu Cayddiid rafcaan qaato.

Si kastaba ha ahaate qaar kamid ah xildhibaannada ay isku reerka yihiin ayaa aad kaga soo horjeestay xukunkii ay maxkamadda ku ridday caydiid oo ahaa qofkii dilay wasiir Siraaji.