Madaxwayne Farmaajo Oo Qirtay In Uu Keliya Hal Qof Dilay Weligiis (Xog Muhiim Ah)

MAdaxwaynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in uu amar ku bixiyay in lagu weeraro Alshabaab meel walba oo ay joogaan iyo saldhig kasta oo ay kusugan yihiin.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in uu isaga amar ku bixiyay duqeyntii shalay lagu dilay sarkaal kamid ah Alshabaab oo kasugnaa deegaanka Toorotooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana u qaabilsanaa ururkaas qalabeynta waxyaabaha qarxa, sidoo kalena ahaa diyaariyihii qaraxyada Muqdisho ka dhici jiray

Si ay ahaataba waa markii ugu horreysay oo madaxwayne Farmaajo uu ku lugyeeshay dilka qof shakhsi ah tan iyo markii loo doortay xilka madaxwaynenimo.

Mareykan ka ayaa duqeyn ay fulisay diyaaradda aan duuliyaha wadin ku dishay deegaanka Toorotoorow sarkaal kamid ah saarkiisha ugu caansan Alshabaab.