Ma Dhabbaa In Qarixii Shalay Dhalinyaro Beesha Murusade ah Qayb Ka Lahayd?

Weli waxaa soo kordhaya warar cusub oo kusaabsan qarixii shalay ka dhacay waddada Makka Almukarah ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas gaarigii waday uu u sahlay in uu si fudud ku maro waddada Maka Almukaram, ciidankii Xasillinta Caasimadda oo laga qaaday halkaas awgeed.

Ka qaadidda ciidanka xasillinta caasimadda ayaa timid kaddib shaqaaqadii todobaadkii hore lagu dilay taliye Jii-Jiille AUN, oo beel ahaan u dhashay Murusade.

Warar hoose ayaa sheegayay in beeshaas ay ku cadaadisay dhallinyaradooda ka midka ah ciidankaas ay hawl joojin sameeyaan ilaa meel lagu hubsado dhiigga ciidankii ku geeriyooday dagaalkii Militeriga iyo xasillinta ee dhawaan dhacay.

SI kastaba ha ahaatee go’aankii odayaasha beesha Murusade ee ahaa in dhallinyaradooda ay ka joogaan shaqada inta war cad laga soo saarayo dilka taliye Jii Jiille wuxuu sahlay in gaariga qaraxa waday uu si sahlan ku maro isgooyskaasi , oo horay ay fadhiyeen ciidan u badnaa Beesha Murusade.