Kheyre Oo Xabsi Guri Ku Xukumay Taliye Kuxigeenka NISA Iyo Arrin Cajiib Ah Oo Sabab U Noqotay Xabsiga Sarkaalkaas

Xasan Cali Kheyre oo ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amray in xabsi guri laga dhigo Taliye kuxigeenka NISA mudane Cabdalla Cabdall, kaddib markii uu xabsiga u taxaabay laba shakhsi oo ka tirsanaa Safaarradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho.

Taliye Cabdalla ayaa afar maalin kahor xabsiga dhigay Nuur Mukhtaar iyo Ayaan Maxamed oo la shaqeynayay Imaaraadka, taas ayaa keentay in xukuumadda Dubia ay ku amarto madaxda Qaranka in la xiro qofkii ka dambeeyay xabsiga labadaas qof ee ka tirsanaa hawlwadeennada Imaaraadka.

Taliyaha ayaan sheegin wax sabab ah oo loo xiray labadaas shakhsi, waxaana taas ay keentay in Kheyrre uu amro in la xabsi guri lagu xukumo Cabdalla Cabdalla.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Imaaraadka iyo Soomaaliya xiriirkooda uusan wacneyn kaddib khilaafkii dawladaha Khaliijka ee dhawaan xalka laga gaaray.