Imisa Jeer Oo Horay Ayaa La Isku Dayay In La Qarxiyo Meeshii Shalayto Uu Qaraxa Ka Dhacay? (Xog Dhammeystiran)

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu ka dhacay meeshii uu ka dhacay qarixii kahoreeyay kaas ee ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay bishii barakeysneyd ee Ramadan.

Kii hore wuxuu ka dhacay agagaarka saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sidoo kale kanna wuxuu ka dhacay meel dhawr mitir kasoo horeysay Hotelkan, dad ayaa isweyddiinaya in qaraxaas lala doonayay in lala beegto Super Market ka Midnimo oo kamid ah suuqyada ugu badan ee ay madaxdu ka dukaameystaan.

Haddii uu dhab noqdo wararka sheegaya in Midnimo Super Market ay ahayd bartilmaameedka waxay lamid tahay in qaraxii hore ee fashilmayna isaga in loo waday, maadaama kii hore uu xilligii loogu tallagalay kahor qarxay, sida khubarada siyaasadda ay sheegayeen.

Waa wax macquul ah Shabaab ay weerar ku qaadaan Super Market sida Midnimo oo kale, maadaama ay Shabaab mar walba ganacsatada ay ku xukumaan bixinta lacagaha ay ku sheegaan in ay yihiin Zakawaadka.

Waxaa sidoo kale macquul ah in Midnimo madaxda iskaleh ay diideen in ay bixiyaan lacagaha Zakawaadka ah, ee Shabaab ku ka doonayeen, taasna ay sababtay in qaraxaas hortooda lagu dhufto, si lamid ah sidii 2015-kii lagu sameeyay Carwada Alkowther ee magaalada Muqdisho, oo Albaabkeeda qarax la dhigay laguna qarxiyay sidaas.

Hasa yeeshee ma cadda oo shabaab ma sheegan mas’uuliyadda qaraxaas shalay dhacay, hasa yeeshee dhanka kale waxaa macquul ah in meel kale uu u socday uuna wakhtiga ka dhacay.

Isku soo wada duub oo inkabadan 10-qofood ayaa ku geeriyootay qaraxaas, oo intaba aannay waxba galabsan, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.