Dibad Bax Looga Soo Horjeedo Ra’iisul Wasaare Kheyrre Oo Muqdisho Ka Dhacay

Dibad baxayaal careysan ayaa ku banaan baxay magaalada Muqdisho duhurnimada maanta, waxaana ay dalbanayeen in dib loo dhigo  xukunkii maxkamadda sare ee ay ku ridday askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji.

Dooni mayno Kheyrre, Doono mayno caddaalad darro”¬†waa qaar kamid ah hal ku dhigyadii ay isticmaalayeen dibad baxayaasho oo u badnaa dumar iyo carruur.

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku xukuntay Dable Xoogga Cayddiid oo ahaa askari kamid ah ilaalada hanti dhawrihii xilkiisa ku waayay dilkii wasiir Siraaji.

si kastab aha haatee banaan baxan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana soo abaabulay rag caan ah oo aan dib kasoo sheegi doono