Deg Deg:-Dowladda Soomaliya oo Xaqiijisay Dilka Shiikh Cali Jabal

Muqdisho, 31 July 2017 – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha  Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).

Cali Jabal ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.
DHAMAAD