Waa Kuma Siyaasiga Abgaal Ee Noqon Kara Ra’iisul Wasaaraha Xiga Ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Gobolka BAnaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la aaminsan yahay in uu noqon karo ra’iisul wasaaraha xiga ee Soomaaliya haddii uu ka dago ama codka aqlabiyadda uu waayo mudane Kheyre.

Thaabit ayaa horay ula soo shaqeeyay dawladdii Xasan Sheekh MAxamud oo ay xitaa xidid yihiin, balse ugu dambeyn wuxuu fursad banaan ka helay dawladda cusub ee FArmaajo.

Si kastaba ha ahaate waxaa macquul ah isaga laga dhigo ra’iisul wasaaraha xiga ee Soomaaliya, maadaama uu yahay shakhsi u qalma xilkaas.

Siyaasiyiintii beesha Abgaal ayaa dhammaan siyaasadda ku fashilmay, sidaa darteeda waa fursad kale oo caawineysa siyaasigan dhallinyarada ah ee Thaabit Cabdi Maxamed.