Waa Halkee Goobta Rasmiga Ah Ee Qaraxa Lala Eegtay? (Macluumaad Dhammeystiran)

Wararkii ugu dambeyay ee qaraxa ka dhacay Muqdisho waxa ay sheegayaan in uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la hordhigay Super Market ka caanka ah ee Midnimo kaas oo ku yaalla agagaarka saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Sawirrada ayaa muujinayay in qaraxa uu ka dhacay Albaabka laga soo galo Suuq yarahaas laga adeegto, oo ku yaalla mid kamid ah meelaha ugu wanaagsan ee loo ganacsi tago Muqdisho.

Xildhibaano, Wasiirro iyo dad caan ah ayaa ka ganacsada Suuqaas, xilliga galbihii iyo habeennadii aad Mashquul u ah, waana sababta kadambeysa qaraxaas sida dad badan ay durba rumeysteen.

Waan idinla soo socod siin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee qaraxaas kasoo kordha.