Siyaasiga Ugu Caansan Dalka Kenya Oo Dacwad Ka Ah Barnaamijka Faaliyaha Qaranka Ee Universal TV

Siyaasiga ugu caansan Soomaalida Kenya ee Faarax Macallim Dawaare ayaa aad u weeraray, sheegayna uu dacwaynayo, sharcigana la tiigsanayo TV-ga caanka ah ee Universal ee xarruntiisa tahay magaalada London.

Faarax Macallim ayaa lagu soo qaatay barnaamijka Faalliyaha Qaranka, oo ah barnaamij qosol iyo maad ka sameysan oo siyaasadda si kaftan ah loo weriyo.

Xildhibaanka oo hadda u taagan in uu kasoo galo markale degmada GAarisa ayaa sheegay in ujeeddadaUniversal TV ay tahay in la sumcad dilo siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka waxku oolka ah, maadaama buu yiri ay sameeyaan waxyaabo xitaa sharciga saxaafadda dibadda ka ah.

Isagoo u warramayay TVga RTN ayuu sheegay xildhibaan Faarax in aannu kaga harri doonin Tvgan sumcad xummadii ay ku bideen barnaamijka dadka lagu ciyaaro ee Faaliyaha Qaranka sida uu hadalkiisa u dhigay.

Bishii February-dii tagtay ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland, kaddib markii ay TV-gaas baahiyeen xog kaftaneed ku saabsiisan arrinta heshiiskii Barbera iyo Imaaraadka Carabta, kol sii horreysayna waxaa lagu xiray isla Hargeysa soojeediyaha barnaamijkaas Cabdi Murriiddi Dheere Ajakis, kaddib markii uu barnaamijkaas, dhawr jeer oo kala dambeysay ay ku maadeeysteen madax Soomaaliland ah.