Maxay Arkeen Dadkii Ka Agdhawaa Qaraxii Ka Dhacay Waddada Makka Al-Mukarama?

Dadka deegaanka oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayaa sheegaya in ay arkeen qiica qaraxa, waxaana ay sheegeen in uu ahaa mid kamid ah qaraxyadii ugu guuxa dheeraa ee Muqdisho ka dhaca.

Sidoo kale mid kamid ah illo wareedyada Shaaciye oo kusugnaa suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in jugta maqalkeeda uu u maleeyay in uu gurigiisa hortiisa uu ka dhacay, sida ay wax ahaayeen keliya.

Mid kamid ah dadka deggan Waaberi ayaa u sheegay Shaaciye in uu arkayay hollaca gaariga qarxay, sidoo kale wuxuu sheegay in ay u dheereed middaas gubashada dabaq ku yaalla agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee qaraxan wuxuu kusoo aadaya xilli dhawaan magaalada ay dareemaysay nabadgelyo iyo soo kabasho dhan walba ah.