Maanta Wasiirkee La Horgeyn Doonaa Baarlamaanka?

Maanta waxaa su’aalo lagu waydiin doono aqalka hoose ee Soomaaliya wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil, kaas oo todobaadkii hore ay baarlamaanka ballansadeen.

Dhawaan ayeey ahayd markii tallo soojeedin (Mooshin) ah loo gudbiyay wasiirka, maadaama wasaarraddiisa ay hawlo badan u qabatay dadka shacabka ah, islamarkaana waxyaabo badana ay nusqaan ugu jiraan.

Xoosh ayaa muddo kaddib hor imaan doona golaha shacabka, waxaana su’aalo laga wayddiin doonaa, qaabka heshiiska saaxaafadda iyo sharcigiisii muranka abuuray, sidoo kale waxyaabaha la wayddiin doono waxaa kamid ah dastuurka Soomaaliya waxa hadda ka dhiman uu sugayo.