Maamulka Hirshabeelle Oo Gogol Nabadeed U Dhigay Beelo Walaalo Ah Oo Ku Diriray Deegaannada Maamulkaas

Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gogol u fidiyay laba beel oo walaalla ah oo dhawaan ku dagaalamay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Degmooyinka Cadalle iyo Balcad ayeey deegaan ahaan kala daggan yihiin labada reer ee halkaas dirirtu ku dhex martay.

Madaxwayne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullahi Guudlaawe ayaa hoggaaminaya siyaasiyiinta halkaas kusugan ee dhex dhexaadinta ka wadda arrimaha beelaha walaalaha ah ee halkaas isku diriray.

Ugu Dambeyn diyooyin iyo mag ayeey kala qaadan doonaan, labada qabiil ee halkaas ku dagaalamay, waxaana odayaasha ay horaan ugu baaqeen maamulka Hirshabeelle in gogol nabadeed la dhex dhigo beelahaas walaalaha ah.