FAALLO:- Is Mahdin Miino Ma Celiso (Bashiir M. Xersi)

Shalay buu Xasan Khayrre lahaa, bil qarax ka ma dhicin Muqdisho, maantana waa lagu la soo guuray. Farriin siyaasadeed iyo amni, fahamse u baahan.

Is mahdin, waa tii Maxkamadaha habhabta iyo ka la haadka u horseedday, ee amay ku roon tahay, in shawga iyo shaqada la ka la saaro?!

Dhawr maalin ma hor ayaan intan qoray:

“Jidcadde la xiro iyo laami la gooyo keliya amni iyo xasillooni ku ma yimaadaan, ee mid waxaan filaa, in ay caddahay, qaraxyada Muqdisho ka dhaca boqolkiiba sagaashan iyo ka badan waxaa laga soo abaabulaa gobolka Shabeellaha Hoose iyo jidkaa dheer ee Afgooye ka yimaad, marka inta la xannibi lahaa isu socodka dadka iyo magaalada waxay igu la qumman, in kasta oo aanan qofni amni ahayn, in jidkaa waxa ka imaanaya xoogga la saaro iyo siiba gobolkaa. Hadda oon faalladan qorayo, waxaa go’an adeegga farriin wareedka wakaaladda wararka dalka ee SONNA oo lagu gooyey amar Shabaab!

Ogow, is la gobolka kale, ee dariska ah caasimadda ee Shabeellaha Dhexe, waxaa ka taliya qaybo ka mid ah Shabaab, haddana, qaraxyo ka ma dhacaan mana ka yimaadaan, haddana ku ma taal, Tooro Toorow, oo ah meesha loo dirayo ganacsatada, oo u dhaxaysa degmooyinka Qoryeelay iyo Afgooye, balse, u dhow Qoryooleey, si ay leejada ugu baxshaan, marka labadaa gobol, oo aan laga sifayn Alshabaab, waxba ammaanka laga ma qaban, caasimadduna amni buuxda ma haysato, mar walbana waxay halis ugu jirtaa, in qaraxyo iyo wareerro hubaysan ka dhacaan, maxaa yeelay, halka ay ka yimaadaan ee laga soo maleego way caddahay, ee maxaan loo abbaarin?.”

Faalladii: “SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran!”

Naxli Iyo Nuxuus!

Waxaa qoray :-Bashiir M. Xersi