FAAHFAAHINO:- Dad Noocee Ayeey Ka Qaadeen Gaadiidka Gurmadka Deg Degga Ah Ee Ambalaasta Goobtii Uu Ka Dhacay Qaraxa

Saraakiil kamid ah kuwa qaabbilsan gurmadka deg degga ah ee Ambalasta ayaa sheegay in ay isbitaallada waa wayn ee magaalada geeyeen qaar kamid ah dadkii kusoo waxyeeloobay qarixii dhawaan ka dhacay waddada Makka Al-Mukarama.

Rag iyo dumar, ayeey iskugu jireen dadka ku waxyeeloobay qaraxaas dhawaan ka dhacay nawaaxiga saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Tiro ahaan weli lama xisaabin, balse waxa ay sheegeen in dadka ay iskugu jireen kuwa aad u liita oo qaraxaas uu saameeyay iyo kuwa kale oo dhaawac fudud qaba.

Dhamman dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas waxa ay geeyeen saraakiisha gurmadka deg degga ah isbitaallada kala ah Daru Shifa oo ku yaalla Tareebiyaano iyo Isbitaalka wayn ee Madiina.