Faa Faahin Dheeri Ah Oo Ku Saabsan Qarixii Ka Dhacay Waddada Makka Al-Mukaramah

Wararkii ugu dambeyay ee qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in qaraxaas uu ka dhacay agagaarka saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Illaa hadla lama caddeyn goobta rasmiga ah ee uu qaraxa asiibay, maadaama goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay meel goobo muhiim ah oo fara badan ay ku yaallaan.

Waxaa socda rasaas ay furayaan ciidanka dawladda ee hadda soo gaaray goobtaas, sidoo kale waxaa la maqlayaa dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg dega ah ee (Ambalasta) kuwaas oo daabbulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Wixii warar ah weli halkan nalasii joog.