Dowladda Somalia oo ka Farxisay Ardeyda kaalimaha hore ka galay Imtixaankii ?

Wasaaradda waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada 10ka ardey ee kaalimaha hore ka galay Imtixaankii dugsiyada sare ee 2016/2017.

Imtixaankan oo ay dowladda qaadday islamarkaasan natiijadiisa la shaaciyay ayaa waxaa ay ardeyda gaar ahaan tobanka kaalimaha hore galay waxaa ay dowladdu shaacisay in ay ku guuleysteen deeq waxbarssho oo dalka dibaddiisa ah.

Ardeydan 10ka ah oo Wiilal wada ah waxaa ay wax ka soo baran doonaan dalka China,waxaana kulliyadaha ka mid ah Daawa,Saadaashada Hawada,Injineeriyadda Software-rrada iyo Makaanikada.

Wasaaradda ayaa dhamaan xubnaha guddiga deeqaha waxbarashada dibadda ee KMG ah u dirtay Warqaddan oo loogu gudbinayay ardeyda heshay deeqaha dibadda ah ee Sanadkan 2016/2017.