DEG DEG: Dagaal U Dhaxeeya AMISOM Iyo Shabaab Oo Hadda Ka Qarxay Shabeellaha Hoose

Deegaanka Golwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa hadda ka bilaawday dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeya AMISOM iyo Alshabaab.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan Alshabaab ay markii hore weerarka soo qaadeen, kaddibna AMISOM ay iska caabbin kaga hor tageen.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax aad u wayn oo ay dad badan ku waxyeeloobeen.

Warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha ayaa aad u buunbuuninaya wararka dagaalkaas, maadaama ay Alshabaab gardarrada hore lahaayeen.