Dagaal Faraha Loogu Gubtay oo Caawa Afgooye ka dhacay Iyo Faah Faahin Laga helaayo

Taliska Ciidamada Amniga Dagmada Afgooye ayaa Faah-faahin ka Bixiyey  Dagaal  Caawa Dhexmaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-shabaab kaasi oo Bilowday ka dib Markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen  goob ay ku Sugnaayeen Ciidamada ka tirsan Kuwa Dowlada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dagamada Afgooye  Gaashaanle C/risaaq Aadaan Doodishe oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay Ciidamada Dowlada ay Dagaal Culus Caawa la Galeen Rag Hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Weerar ku soo qaaday Deegaanka  Bacaacow oo qiyaastii 1-km u jiray Dagamada Afgooye ee Gabalka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ayaa Sheegay inaysan Jirin Wax Qasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada Dowlada,Balse Dhanka  Al-shabaab ay gaarsiinyeen Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac,Waxa una Xusay inay Hada ku Howlan yihiin Tira-koobka Raga ka tirsan Al-shabaab ee ku Dhintay Dagaalka Caawa ka Dhacay Dagamada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.