Al-shabab oo sheegay in 39 Askari ka dileen AMISOM

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in maanta ay dagaallo kala duwan oo ay Ciidanka AMISOM kula galeen Gobolka Shabeellaha hoose ku dileen Askar ku dhow 40 oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Dagaalo faraha looga gubtay, ayaa maanta Ciidamada Amisom iyo Ururka Al Shabaab ku dhex maray inta u dhaxeyso Deegaanada Danow iyo Golweyn, iyadoona uu dagaalku saamayn ku yeeshay dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhashay kaddib markii Ciidamada Al-shabaab ay jidka u galeen kuwa AMISOM uu ku siijeeday buulo mareer halkaasna uu ka dhacay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray labada dhinac.

Afhayeenka howlgallada AL-shabaab Sh.C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in 39 meyd oo ka mid ah Ciidamada Uganda ee ka mid ah AMISOM ay ku hayaan shabeellaha hoose,sidoo kalena ay kala wareegeen Hubkii ay wateen.

Weerarkan waxaa lagu sheegayaa in uu yahay kii ugu badnaa ee khasaaraha AMISOM,gaar ahaan Uganda ka soo gaaro kaddib dagaalii Jannaale ee 2015kii Al-shabaab ku dileen 50ka Askari.