Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Isku Shaandheynta Golaha Wasiiradda Koonfur Galbed

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Soomaliya ee Magaalada Baydhabo waxa saakay laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan isku Shaandheynta  Golaha Wasiiradda Maamulkaas.

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa xalay kulmo kula qaatay Madaxtooyadda Magaalada baydhabo Xildhibaano, iyo beelaha daga deeganada koonfur Galbeed Soomaliya waxaana kulanka diirada lagu saaray isku shaandheynta wasiiardda Koonfur Galbeed Soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan Golihiisa wasiiradda cusub uu soo bandhigi doono maanta saacada marka ay tahay 08:00Pm.

Madaxweynaha Dowladd goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh Shiikh aadan ayaa shalay  lagu waday In uu inuu Isku-shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiiradda Koofur Galbeed,waxaana Talaabadaas ka dhashay Khilaaf Sababay in isku-shaandheynta ay dib u dhacdo.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in  Beelaha qaar ay  ka biyo diideen  Isku-shaandheynta kadib markii Madaxweyne Shariif Xasan uu yareeyay Tirada Wasiirada oo markii hore ahaa 64 Xubnood,balse hadda ka dhigay 24 Wasiir.

Sidoo kale Beelaha deeganada koonfur galbeed Soomaliya  ayaa sheegay in ay ka  soo horjeedaan in ay waayaan Wasiiradii ay ku lahaayeen Maamul Goboleedka Koofur Galbeed,iyadoo sababtay in dib loo dhigo