AKHRISO: Qabiilada Ay Kasoo Jeedaan Saddex-da Qof Ee Ugu Hantida Badan Soomaalida

Dhawaan wuxuu soo bandhigay wargeyska arrimaha dhaqaallaha ka faalooda ee Busiweek  warbixin uu kaga hadlayo saddexda qof ee ugu hantida badan Soomaalida.

Kaalinta koobaad wuxuu geliyay Axmed Nuur Jimcaale oo iska leh shirkadda isgaarsiinta Hormuud,hantidiisana lagu qiyaaso 1.3 billion Dollar, kaalinta labaad wuxuu geliyay Maxamed Siciid Ducaalle Dhiigshiil, oo iskaleh shirkadda Dahabshiil, kaas oo isna ka ag dhaw dhaqaalle ahaan Jimcaalle, wuxuuna heystaa lacag lagu qiyaasay 1.1 Billion; Kaalinta saddexaad waxaa kujir ganacsadaha wayn  Cadow Cali Gees kaas oo lacgtiisa lagu qiyaaso 750-950 Million oo dollarka American-ka ah.

Haddaba hillinka wararka ee Shaaciye ayaa idin soo gudbanaya qabiilada ay u kala dhasheen dadka ugu hantida badan Soomaalida, gaar ahaan saddex aas qof ee Busweek ay carabbaabtay.

Axmed Nuur Jimcaale Milkiilaha Hormuud wuxuu u dhashay beesha Hawiye, wuxuu kayahay Maxamuud Hiraab Ama Duduble, laf ahaanna waa MAxamed Camal, kasoo jeeda Ceel Buur daanteeda Dudublaha ay dagaan.

MAxamed Siciid Ducaalle Dhiigshiil, waa nin Dir ah, sidoo kalena Isaaq ka ah, Laf hoose ahaana waa Habar Jeclo degta gobolada Wuqooyi ee Soomaaliya.

Caddow Cali Gees Abgaal Waceysle , islamarkaana ganacsigiisu uu ku baahay qaybo badan oo kamid ah gobolka geeska Afrika.

Xuquuqda qoraalkan waxaa iskaleh Shaaciye iyo Qoraaga Faalladan Xuseen Madoobe.