XOG: Dad u Dhashay Beesha Daarood Oo Muqdisho Buuxiyay Iyo Muran Taagan

Magaalada Muqdisho waxaa si aad ah ugu soo qulqulay dad badan oo qurbejoog u badan, kana soo jeeda beesha Daarood, kuwaasi oo Hal arrin magaalada u yimid.

Dadkaan ayaa la sheegayaa in magaalada u yimaadeen sidii ay ku heli lahaayeen guryo la sheegay in magaalada ku lahaaayeen.

Qaarkood waxay sheegteen sida xogta ku helnay dhulal ay horey  dad ugu iibsadeen ayagoo mar labaad doonaya in xoog ku qaatan maadama Madaxweynaha Dalka ka soo jeedo Beesha daarood .

Waxay qaarkood dadkaan wataan ciidan badan oo dowladda ay kasoo wateen, iyaga oo aan maxkamad soo marin, dadkuna ugu hanjabaya iney awood u adeegsan doonaan.

Xaafado badan oo Muqdisho ah waxaa ka taagan dood culus oo dhinacyadaan u dhaxeysay, iyadoo magaalada ay kusoo badanayaan shaqsiyaadkan dhul raadiska ah.