Xildhibaannada Galmudug Oo Mooshin Ka Keenaya Madaxwayne Kuxigeenka Maamulkaas

Madaxwayne Kuxigeenka maamulka Galmudug MAxamed Xaashi Carrabey, ayaa la kulmaya culeys iyo cadaadis dhanka xildhibaannada maamulkaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado waxa ay sheegayaan in mudane Carrabey ay la qorsheynayo in Mooshin laga keeno, islamarkaana xilka laga tuuro.

Reeraha daga Wuqooyiga Galmudug ayaan la dhacsaneyn qorsha hawleedka mudane Carrabey, kaas oo horey afka ugu dhigtay mashaariic badan oo Galmudug loogu tallagalay sida ay aaminsan yihiin dadka siyaasadda Galmudug falanqeeya.

Si kastaba ha ahaatee mooshinkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la rejeynayo in Xaaf uu ku dhawaaqo Golihiisa wasiirrada, oo xilligooda kasoo daahay.