Taliyihii Booliska Luuq oo Xabsiga la dhigay Iyo Itoobiya oo ka danbeeysa Xarigiisa?

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaa xabsiga la dhigay Taliyihii Saldhiga Degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil, kadib markii Wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka amniga Jubbaland uu Doolow u raacay.

Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa wararka soo baxaya ay sheegayaan amarka lagu xiray inuu bixiyay Wasiirka amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Nuur (C.rashiid Janan).

Sababta loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay arimo la xiriira maxaabiis ku xiran Saldhiga Degmada Luuq iyo kuwa horay looga sii daayay Saldhiga, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Taliyaha xiran.

Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa wuxuu la dhashay Wasiiru dowlaha amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, illaa haddana ma jirto cid si faah-faahsan uga hadashay kiiska ku saabsan xariga Diyaad Cabdi Kaliil Taliyaha Saldhiga Degmada Luuq.

Ehelada Taliyaha ayaa sheegay sidoo kale xariga Diyaad Cabdi Kaliil inay ku lug leeyihiin Saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Doolow Gobolka Gedo.

Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur, ayaa hadda ku sugan Magaalada Doolow, isaga oo u gogol xaaraya safar dhawaan Madaxweynaha Jubbaland uu ku tagaayo Gobolka Gedo.