Taliyaha ciidanka xasilinta caasimadda Jacfar oo xabsiga ugu goodiyay maxaabiis u dhalatay beesha Abgaal

Waxgarad ka tirsan Beelweynta Abgaal  ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray Maxamed Abuukar Jacfar Guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag haatanna ah Sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka xasilinta Caasimadda oo ku aadanaa in talaabo laga qaadayo Askartii ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii hore ee nabad sugida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile.

Nabadoon Xasan Cali Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka xasilinta Caasimadda Muqdisho oo Saraakiisha horkaceysa uu ka mid yahay Maxamed Abuukar Jacfar intii lagu guda jiray beelweynta Abgaal looga dilay 13 Askari islamarkaana aysan marna ka hadlin iyagoo tix galinayay dowladda cusub in ay gudato waajibaadkeeda qaran balse ay tahay wax aan loo dul qaadan Karin hadal ka soo yeeray Taliyaha Howlgalka xasilinta caasimadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

Nabad doonka ayaa iclaamiyay in inta Jacfar uu horkacayo howlgalkaas aan qof dambe oo beesha Abgaal  ka tirsan aan hub laga qaadi doonin maadaama  Maxamed Abuukar Jacfar uu ku hadlay Afqabiil sida uu yiri , dowladdana looga baahan yahay in ay bedesho.

Jacfar  ayaa la tilmaamay in u goodiyay Maxaabiis ku jirta xabsiga  in ay lala duugi doonaan Askartii dhawaan lagu dilay Kontaroolka Madaxtooyada Soomaaliya iyo Sarkaalkii watay oo lagu magacaabi jiray Jiijiile.

Nabadoon Axmed Maxamuud Sabriye Fareey ayaa isaguna  sheegay in dhiiga 13-kii Askari ee beesha Abgaal Cismaan uga dhimatay Howlgalka Xasilinta Caasimadda ay ka rabaan dowladda maadaama dad Masuuliyiin ah dadkooda ugu goodinayaan Xabsiga , waxanaa uu hoosta ka xariiqay in ay isha ku hayaan Guddi Madaxweynaha uu u saaray Kiiska Ciidamadii loo xiray Dilka Ciise Jiijiile iyo ilaaladiisa kuwaas oo uu sheegay haddii ay ka dareemaan fara gelin cid kale ah ay jawaab deg deg ah ka bixin doonto beesha Abgaal .

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxayay xurguf ka dhalatay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida oo lagu magacaabi jiray JIIJIILE isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay Kontarool ku yaalla Afaafka hore ee Madaxtooyada walow Madaxwynaha Soomaaliya arrintaas uu guddi u xil saaray hase ahaatee xiisadda ayaa la sheegay in ay cirka isku sii shareertay kadib markii Saraakiil ka tirsan howlgalka Xasilinta Caasimadda oo ku heyb ah Sarkaalka geeriyooday ay Warbaahinta ka sheegeen in 11 Askari oo loo heysto dilka Ciise Jiijiile iyo Ciidamadiisa si deg deg ah loo mariyo ciqaabtii dilkaas.

Maxamed Abuukar Jacfar oo ah Taliyaha Howlgalka xasilinta Caasimadda ayaa lagu eedeeyay in uu haatan iska horkeenayo beelaha ay ka soo kala jeedaan Askarta la dilay kuwa xiran ee loo heysto dilkaas oo dhammaan ka wada tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.