Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelihii ku dagaalamay Cadalle oo maanta ku wajahan Jowhar

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in magaalada ay soo gaarayaan Odayaal iyo Waxgarad ka soo kala jeeda Beelihii ku dagaalamay Degmada Cadalle ee gobalkaasi kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dhex-dhaxaadinta labada Beelood.

Odayaashaan ayaa Jowhar ku yimid kadib markii maamulka Hirshabeelle uu Iclaamiyay in maalinta Axada ah Magaalada Jowhar lagu qaban doono Gogal Nabadeed oo lagu soo Afjarayo Colaadda Gobalka.

Madaxweyne ku Xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa maalmo ka hor Jowhar ka sheegay in Odayaasha ka soo jeeda Beelaha Dagaalamaya iyo Maamulka Hirshabeelle ay ku heshiiyeen in Jowhar ay marti giliso Gogal nabadeed oo loo qabto Colaadda degmada Cadalle.

Beelaha ku dagaalamay Cadalle ayaa dagaalkooda soo laab laabtay waxaana ku dhintay dad badan halka kuwa kalane ay ku dhawaacmeen, sidoo kale Boqolaal Shacab ah ayaa ku barakacay Colaadaasi.