Maqaayadda McDonald Oo Dhallinyarada Laga Mamnuucay!

Majalladda The Sun ee UK kasoo baxda ayaa sheegaysa in maqaayadda caanka ah ee Mc Donald laga mamnuucay carruurta yar yar ee da’doodu ay ka yar tahay 18-sano, in ay habeenkii si keli ah u yimaadaan, islamarkaana u casheeyaan.

Sababta waxaa lagu sheegay in ay jiraan kooxo Mooryaan ah oo waddooyinka taagan islamarkaana dhallinyarada cabsi geliya, marka ay soo casho doontaan.

MA dhan dhammaan xarrumaha maqaayaddan caanka ah, ee waa qaybo kamid ah laamaha ay ku leedahay UK, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay maqaayaddaas oo ay werineyso The Sun.

Maqaayaddan ayaa kamid ah kuwa ugu caansan adduunka, waxaana la sheegaa in ay waddan kasta oo caalamka ah ay ku leedahay xarun iyo laan gooni, sidaa darteeda amarkaan, wuxuu saameyn ku yeelanayaa dhammaan dhallinyarada aan qaangaarka ahayn, ee habeenkii cashada sida keliga ah u doonan jiray.