Goorma Ayaa Lagu Dhawaaqi Doonaa Golaha Wasiirrada Galmudug?

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa shalay dib ugu noqday magaalada Cadaado ee xarrunta maamulkaas, kaddib safarro dalka iyo dibaddiisa uu ku kala bixiyay labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Xaaf ayaa dhawaan waxaa looga fadhiyaa in uu soo magacaabo golihiisa wasiirrada, maadaama wakhti badan uu ka khasaaray, tan iyo maalinkii la doortay.

Madaxwaynaha ayaa aad ugu wareersan niyad jabkii uu kala soo kulmay Ahlu Sunnah, wuxuuna jeclaan lahaa in ururkaas ay kaalintooda ka helaan golaha wasiirrada dhawaan la magacaabayo.

Nux nux hoose ayaa ka jirta Cadaado, sida ay sheegayaan illo lagu kalsoon yahay, Xaafna wuxuu u qaybin doonaa xilalka sida ay deegaannada ugu badan yihiin maamulka Galmudug.