Goorma Ayaa La Heshiisiinayaa Xildhibaan Mahad Salaad Iyo Taliye Sanbalooshe?

Maalinta berrito ah waxaa la filayaa in la heshiisiiyo Xildhibaan Mahad Salaad iyo Taliyaha nabad sugidda qaranka Sanbalooshe.

Labada mas’uul ayaa isku dhacay todobaadkii hore, kaddib is rasaaseeyn xooggan oo dhex martay laba maleeshiyo oo ka kala tirsan nabad sugidda iyo ciidanka militeriga, markaas oo uu xildhibaan Salaad ku eedeeyay maamulka nabad sugidda in ay ka gaabiyeen hawshii ay u hayeen bulshada.

Sanbaloosha ayaa hanjabaad hawada u mariyay xildhibaan Mahad Salaad, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta qaar aan loo dulqaadan doonin waxa ay sameeynayaan, sidoo kale wuxuu xilligaas carrabka ku adkeeyay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaa cid walba oo wax qaldan baraha bulshada ka wadda.

Ugu dambeyn siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ayaa garta soo dhex galay, waxaana lagu heshiiyay in la iska kor keeno labada mas’uul, maadaama ay xurguf siyaasadeed ay dhex martay.

Axadda ayaa la rejeynayaa in ay heshiiyaan, waxaana kamid ah shakhsiyaadka u ololeynaya in labada mas’uul ay heshiiyaan, qaar kamid ah madaxda ururkii Damul-Jadiid.

Mahad Salaad ayaa mucaarrad qayxan ku ah dawladda cusub ee Farmaajo, waxaana uu farriimihiisa marsiiyaa baraha bulshada maadaama uu halkaas taageerayaal aad u badan ku leeyahay.