Ethiopia Oo Mas’uul Caan Ah Xabsiga Dhigtay (Sir Culus)

Siyaad Cabdi Kaliil oo ah taliyaha xabsiga degmada Luuq ayaa xabsiga loo taxaabay, kaddib markii uu diiday amar kasoo baxay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ethiopia ay lug ku lahayd xarigga Mr Kaliil, maadaama dhawaan uu jiray khilaaf labada dhinnac u dhaxeeya.

Wasiir Janan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan tegay gobolka Gedo, halkaas oo ay kula soo kulmeen madax kala duwan oo xilal kaheysa gobolkaas.

Siyaad ayaa loo heystaa sidoo kale dacwado ay kusoo ogeen dadka shacabka, sida ay sheegayaan shakhsiyaad ku dhaw wasiir Janan, waxaana xirriggiisa loo maray si sharci ah sida ay qabaan dadka aan u riyaaqsaneyn siyaasadda Taliyaha Xabsiga degmada Luuq ee gobolka Gedo.