DEG DEG:- Qarax Lala Eegtay Baabuur Ay Dad Saarnaayeen Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ka sameysan miinnada dhulka lagu aaso ayaa la kacay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen qaar kamid ah ciidanka Minishiibiyada iyo dad caadi ah, kaas oo marayay Ex Control Balcad ee degmada Hiliwa gobolka Banaadir.

Khasaaro badan ayaa kadhashay qaraxaas oo aan weli cidna sheegan, waxaana lagu warramayaa in qaraxaas uu ahaa mid loogu tallagalay ciidanka dawladda oo aad u isticmaalayay waddadaas maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka aan ka helayno Isbitaallada ka ag dhaw Hilliwaa waxa ay sheegayaan in dhaawacyo dadkii kusoo waxyeeloobay in la keenay isbitaalladaas, sidoo kalena ay jiraan dad halkaas ku naf baxay.

Wixii Warar ah oo kasoo kordha, Shaaciye kala soco.