DEG DEG:- Kenyo Oo Duqeymo Ka Wadda Garbahaareey

Warar hadda innaga soo gaaraya gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in diyaarradaha dagaalka Kenya ay duqeymo aan loo meel dayin ka geysteen degmada Garbahaarey ee gobolkaas.

Saraakiil katirsan ciidanka dawladda ayaa sheegay in ay arkayeen diyaarrado duqeeynaya deegaannadaas, waxaana sheegeen in halkaas ay dad badan ku waxyeeloobeen.

Kenya ayaa mar walba duqeeymo aan la isa sii wayddiin ka geysata gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku xooggan yihiin urur diimeedka Alshabaab.

lama oga khasaarraha ka dhashay duqeyntaas, waxaana warar kala duwan oo hadda soo baxaya ay sheegayaan goobaha la duqeeyay ay dad reyid ah ka ag dhawaayeen, ay suurta gal tahay in dhibbanayaal shacab ah ay duqeyntaas saameeysay.

Wixii warar ah oo kusoo kordha, halkaas Shaaciye kala soco.