30-Sano Kaddib Hargeysa Oo Kaniisad Laga Furay (Xog Dhammeystiran)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa waxa ay sheegayaan in laga hirgeliyay kaniisad cusub oo ay dadka Masiixiga ah, gaar ahaan kuwa heysta Mad-habta Catholiga ay ku cibaadeysan karaan.

30-sano kahor ayaa ugu dambeysay dhulka SOomaalidu degto in laga sameeyo Kaniisad, ugu dambeyn maamulka Siilaanyo ayaa oggolaaday in mashruucaas la hirgeliyo.

Marianne Vecchion oo ah wadaad ahna sama falle ka hawl gasha gudaha Soomaaliland ayaa sheegtay in ay tahay wax lagu farxo in Soomaaliland ay soo dhaweyso xurriyadda diimaha, maadaama Soomaalidu Christian laga tiro badan yahay ay leedahay.

Si kastaba ha ahaate waxaa war laga sugayaa culimada iyo shacabka jecel diinta Islaamka, maadaama Kaniisad laga furay dhul waynaha Soomaaliland.