Mid ka mid ah Wasiirada Maamul gobaleedyada Dalka oo Qarax lala eegtay Iyo Faah Faahin laga helaayo

Wararka laga helayo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax xoogan halkaasi lagula eegtay Kolonyo gadiid ah oo ay la socdeen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubaland, C/rashiid Janan.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lagula eegtay Wafdiga Wasiir Janan, xili uu marayay Duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, sida Saraakiisha Ciidamada Booliska ay sheegeen.

Wafdiga Wasiirkan ayaa doonayay in uu gaaro Degmada Luuq, si halkaasi uu kulamo ula qaato Saraakiisha amaanka iyo Odayaasha Dhaqanka  balse inta uusan soo gaarin Degmada Qarax lagula eegtay duleedka Degmada Luuq.

Weli lama cayimin khasaaraha ka dhashay Qaraxan balse wararka ayaa sheegaya in Wasiirka uu bad qabo islamarkaana aan waxba ka soo gaarin Qaraxaasi miino.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Duleedka Degmada Luuq  Gobolka Gedo.