Ciidan ay wadatay Fanaanada Fartuun Birimo oo dad ku laayay Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo Koonfurteeda ayaa waxaa Xalay bandhig faneed ku qabatay fanaanada Fartuun Axmed Sahal Fartuun Birimo taas oo rabashad ay ka dhalatay.

Qaar kamid ah Culimada gobolka Mudug gaar ahaana Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa xili ay fanaanadu dhiganaysay Bandhigaasi waxay ka dalbadeen in lajoojiyo waana ay ka diideen waxayna ku ag qabsadeen Nabi amaan iyo wacdi taas oo markii danbe rabsho ka dhalatay.

Inta la xaqiijiyey 1 Qof ayaa ku geeriyooday 6 kalana waa ay ku dhawacmeen rabshadii ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo taas oo kadib ay ciidamada amaanka gaar ahaana NISA ay kala dhexgashay xili danbe.

Dadka dhaawaca ah ayaa sadex kamid ah ay tahay Culimadii wacdiga iyo Nabi amaanka qabanayey halka 3 kalana ay tahay dhalinyaradii ka qayb galaysay Bandhig Faneedkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegay inuu khasaaruhu intaas ka badanyahay waxaana socda dadaalo lagu hakinayo rabashadasi iyadoo xabsiga la dhigay Xalay in kabadan 50 qof oo rabshaddaas ku lug lahaa.

Saraakiil katirsan Maamulka Galmudug ayaa durbaba galay arintan, Waxeyna wadaan baaris ku aadan qaabka ay udhacday rabshadaha markii danbe gacan ka hadalka isku badalay.