Akhirso:-Gabar Soomaali Ah Oo Mareykanka Beer Ku Tacbata

Tacbashada beeraha waa howl inta badan u gaar ah ragga Soomaalida oo intooda badan maareeya howlaha muruqa u baahan ee qoyska, halka haweenkana ay ku ekaadaan howlaha guriga.

Haatan haweenkii ayaad moodaa inay raggii kaga hormareen qodoshada beeraha, oo Naciimo Dhoore oo deggan waddanka Mareykanka ayaa tusaale u noqotay rag badan, kaddib markii ay dhul ay kiraysatay ka sameysatay beer ay uga baxaan khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Naciimo Dhoore waxa ay beerta ku tabcataa magaaalada Stillwater ee gobolka Minnesota ee Mareykanka ee ay Soomaalidu ku badan tahay, iyadoo ay tahay wax cajiib ah in qof dumar ah misane dhul shisheeye ku nool.