Taabid:-“Wadooyinka Dadka Qashinka Ku Daadiya Waxay Noola Mid Yihiin Al-shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo maanta ka qeyb galay Olole nadaafadeed oo laga sameeyay goob inta badan la geeyo qashinka magaalada aya ka digay in wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala Magaalada In lagu shubo qashinka.

Gudoomiye Taabid  ayaa sheegay in cidii lagu arko, iyagoo qashin ku daadinaya goobaha aan munaasibka aheyn inay tallaabo sharci ah ka qaadayaan hadii ay yihiin maamulka gobolka.

“Maanta wixii ka dambeeyo qof laga aqbalayo ma lahan qashin inuu qashin hortiisa yaalo, wixii wacyi gelin ah waa soo sameynay, ama Ganacsade ha ahaado ama qof guri degan ha ahaado, wixii sharciga uu qabo ayuu ku muteysanayaa tallaabo sharci ayaa laga qaadayaa”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

“Dadka qashinka raba inay magaalada ka soo qaadaan oo meeshana ku daadinaya, wuxuu noola mid yahay Shabaabka dadka dila, cudurka kaliya ma ahan in dadka xabad soo qaataan ku dilaan, meeshaan wax ku daadinaya, si dadban iyo si toos ayuu noo dilayaa, waxaan caafimaadkeena ayuu saameyn ku yeelanayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar lagu arkaa iyadoo lagu soo daadiyay qashin.