Sanbalooshe Oo Xabsi Ugu Hanjabay Xildhibaan Mahad Salaad Iyo Xiriirka Labada Dhinac Oo Sii Xumaanaya

Taliyaha Nabad sugidda qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa hanjabaad hawada u mariyay shaqiyaad uu ku sheegay in ay leeyihiin muuqaal dawladeed, uurka iyo afkana kala jira cadawga.

Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada qaranka islamarkaana kamid ahaa xisbigii laga adkaaday ee Damul-Jadiid, ayeey dadka qaar aaminsan yihiin in lagala jeedo hadalkaas, maadaama Mahad uu noqday qofka keliyah ee u hadla Damul Jadiid marka la joogo baraha bulshada.

Sanbaloosha ayaa hadalkiisa ku adkeeyay in aan loo dulqaadan karin mucaaradnimo iyo ka badbadiska dhaliilaha ah ee baraha bulshada iyo warbaahinta lala taagan yahay.

Shalay ayeey ahayd markii uu Mahad Salaad aragtidiisa ka dhiibtay bartiisa Facebook-ga, uuna sheegay in hoggaanka sare ee nabad sugidda iyo ciidanka ay habacsanaan ka muuqato, taas oo keentay in uu ka caroodo Sanbalooshe, kuna xambaartay in uu xabsi ugu hanjabo shakhsiyaadka sidiisa oo kale ah.