Jaaliyada Beesha Agoonyar Harti Abgaal ee Dalka Denmark oo Isbitaalka degmada Mahadaay soo gaarsiiyaay Gaari nuuca gar gaarka dega dega caafimaadka ah ee loo yaqaano (Ambulance) ayaga oo ugu tala galay baabuurkan in wax looga qabto xaaladda caafimaad ee degaanadda Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Jaaliyada- ayaa gaarigaasi u wakiishaay in la gaarsiiyo Isbitaalka Mahadaay weyne Cabdullahi Cali axmed iyo cabdullahi macalin Aybakar oo ka mid ah Howlwadeenada Jaaliyada’ iyadoo ugu danbeyn la soo gaarsiiyay gaarigaasi.
Maamulka Isbitaalka Mahadaay weyne ayaa ka mahad celiyay’ gaariga la soo gaarsiiyay ayaga oo sheegay in baahi weyn loo qabay xiligaan gaaariga gar gaarka deg dega ah ee Jaaliyada soo dirtay.
Dhanka kale Maamulka Isbitaalka Iyo Odayaasha Degmada Mahadaay ayaa codsaday in agabyo badan u baahan yahay Isbitaalka Mahadaay weyne loona baahan yahay in laga caawiyo.
Magacyada Odayaasha lagu wareejiyay gaariga oo uu ku wareejiyay wakiilka Jaaliyada soo wakiilatay ee Bashiir Xuubeey Rooble Hoos ka Aqriso
Sheekh Shariif Sheekh Maxamuud
Bakad Saciid Gaaboow
Muqtaar Iidoow Caroole
Ow Mahdi Cabdullaahi
Cali Cabdulle Afrax
Sayid Abukar
Muuqaalka Hoos Kaa wada Fiirso
https://www.youtube.com/watch?v=vUg-oF5D8qs
https://www.youtube.com/watch?v=_zDb6Z0jI6I
Hoos ka Fiirso Maamulaha Isbitaalka oo sharaxaya Baahiyaha Isbitaalka
https://www.youtube.com/watch?v=Fh_0ROHSgnU




