Alshabaab Oo Amar Adag Soo Saaray Iyo Shacabka Oo Ku Adkaan Doonta dhaqan Gelinta Amarkaas

Dhaq dhaqaaq diimeedka Alshabaab ayaa kaga digay dadyowga ku nool dalka Kenya in ay ka qayb qaataan doorashooyinka dhawaan kadhici doona dalkaas.

Alshabaab oo saameeyn mugleh ku leh dalka Kenya ayaa dhawr jeer oo sannadkan ah waxa ay weeraro khasaaro geystay ka fuliyeen qaybo kala duwan oo dalkaas ah.

Warkan Alshabaab ay soo dhigeen warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa imaanaya xilli dhawaan la filayo in ay doorashada madaxtinimo ay ka dhacdo, sidoo kalena barbarka waxaa socday cabsi laga qabo weeraro Alshabaab ay geeystaan, maadaama amaanka gobollada qaar aan la isku lahayn karin.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Alshabaab waxaa ka horeeyay war murtiyadeed nabadsugidda qaranka Kenya ay kasoo saareen doorashooyinka iyo qaabka amaanka loo xakameyn karo.