Sambaloolshe:-oo u Hanjabay Xildhibaanada Mucaaradka ah Waxaa Jira Dad Naga Tirsan oo Xumaanta Dowladda Faafinaya

Xili Maanta isku hor imaadyo ay ka dhaceen Degmooyinka Xamar weyne ee Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa arinatas waxaa si kulul ugu hadlay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA).

Taliye Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo kasoo muuqday Tv-ga Dowladda ayaa ka hadlay dagaaladii Maanta sida wadjir ah uga kala dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Meleteeriga Soomaaliya iyo kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya.

Taliye Sambaloolshe  ayaa sheegay in taliskiisa uu aad kaga xun yahay waxii maanta ka dhacay Magaalada  wuxuuna sheegay in  baaritaano dheeri ah  lagu sameyn doono  cidii ay ku soo baxdo ama ku lug yeelata  talaabo  laga qaadi doono.

Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida waxa uu sheegay in Amniga Magaalada Muqdisho haatan uu yahay mid wanaagsan,  kooxihii Nabadda diidanaana  ee cadowga ahaana  waa siduu hadalka u dhigee laga guuleestay sida dagaalyahanada Al-shabaab.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan dad radinaya Xumanta dowladda islamarkaana Baraha bulsahda ku dacaayadeyna,iyaga oo sheeganaya in ay  xasaanad leeyihiin.

“Dad Mas’uuliyiin ah waxaa jira oo xasaanad ku gambada, oo u heysta in xasaanada wax kasta ka dabooleyso, waxaa jira xoriyatul qowlka waxyaabo lagu ogoleyn oo ay ka mid tahay kicinta dadweynaha, qof mas’uul ayaa tahay maalin kasta boqol shey oo wanaag ayaa ka dhacaya dalka oo aadan ka hadleyn, wax yar oo hal maalin dhacana waa buun buuninayaan, ayadoo u muuqato inay ku ahdlayaan afka Cadawga, xasaanadu micnaheeda ma ahan in xornimo taam lagu siinayo, sida adigaba aan u suurta gal u aheyn in aan lagugu xadgudbin ayaa laga rabaa in aad si mas’uuliyad ku jirto aadan dadka ugu xadgubin.