Safiirka Soomaliya ee UN-ka oo aan Yeelan Doonin Wax Xasaanad ah

Sida uu daabacay Wargeyska  Alleastafrica.com Safiirka Somaliya ee UN, Abuukar Baale ayaa la sheegay in uusan yeelan doonin wax  xasaanad ah maadaama uu isticmalaayo baasaboorka Maraykanka kadib markii dawladda Maraykanku ay ka hor timid in baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga aan dal-ku-gal lagu dhufan karin marba haddii uu safiirku haysto dhalasho maraykan ah.

Wargeyska ayaa sheegay in Denjire Abuukar Baale oo haatan ku sugan dalka mareykanka islamarkaana ah muwaadin haysta dhalashada dalkaas in uu ka walwalsan yahay arinkaan kusoo kordhay ee ku aadan in uusan laheyn wax xasaanad ah.

Waxaa kaloo Wargeyska uu Sheegay in  madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka baaqdaday shir ka dhacayey gollaha Qaramada Midoobay ee New York  ee dalka maryekanka kadib markii loo diiday in dal-ku-gal loo saaro baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiga ah maadaama laftiisu uu yahay muwaadin Maraykan ah,islamarkaana aan u suurta galaynin in uu helo dal-ku-gal.

Safiirka Somalia ee UN, Abuukar Baale ayaa dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay ka howlgalayay Safaradda Soomaliya ee dalka Mareykanka kadib markii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu xilkaas u magacaabay.

Xigasho:- Alleastafrica.com