Mid Kamid Ah Kaniisadaha Ugu Caansan Adduunka Oo Alshabaab Dartooda Looga Guuray

Fr. Peter Kariuki oo kamid ah wadaaddada ugu caansan diinta masiixiyadda dalka Kenya ayaa sheegay in Kaniisadihii ku yaallay gobolka xeebta dalkaas laga wada cararay, kaddib markii ay bateen dhibaatada ay Alshabaab ku hayaan halkaas.

Wadaadka ayaa sidoo kale hadalkiisa raaciyay in diimaha ay walaalo yihiin, isnna wanaagsanayn in qof banii Aadam ah la ugaarsado, sida xoolaha oo kale, wuxuuna ugu baaqay masiixiyiinta in ay iska dhiciyaan cadawgooda.

Magaalo xeebeedka Laamuu ayaa ah meelaha ugu badan ee ay Alshabaab ku laayeen Masiixiyiinta, waxaana lagu soo waramayaa in ay hadda haawanayaan kaniisadihii kuyaallay deegaannadaas, maadaama ay soo wajahday cabsi dhanka Alshabaab.

Urur diimeedka Alshabaab ayaa weeraro kala duwan ka geystay Wuqooyi Bari Kenya, waxaana tiro dhawr jeer ah la weeraray macbadyo iyo goobo diimeed oo masiixiyiintu milki ahaan u lahaayeen.