Madaxwaynaha Hirshabeelle Oo Magdhaw Ka Doonaya Maamulka Puntland Haddaba Waa Maxay Sababta?

Madaxwaynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulle Cosoble ayaa sheegay in ganacsatada ku dhaqan deegaannada maamulkiisa la dhacay, islamarkaana lagu soo siray lacago faalso ah oo ka yimid dhanka Puntland.

Madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay lacagta shillin Soomaaliga, sidoo kalena wuxuu ku sheegay in lacago Dollar ah laga qaatay ganacsatada maamulkaas kaddibna lagu soo siray lacag faalsa ah oo ay dadka shacabka isticmaalkeeda ka maageen.

Cosoble ayaa sheegay in ay magdhaw ka doonayaan maamulka Puntland, maadaama khasaaro ay u geysteen ganacsatadooda, islamarkaana ay doonayaan in xaal marin laga qaado.

Dhawaan waxa kasocday gobolka Hiiraan olole lagu diidayo lacagaha Faalsada, ee ay Soomaalida u taqaano Puntlanda