Gudoomiye Taabit:“AMISOM Ha Iskaga Guuraan Xarumaha Dowladda

Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay kulanka u dhaxeeyo masuuliyiinta ugu sareyso dalka iyo madaxda AMISOM oo ka socda Xarunta Xalane ayaa waxa uu ka sheegey in AMISOM kaalinta ay ka qaadato nabadeynta Soomaaliya Gaar ahaan Caasimada ay tahay wax aan la qari Karin oo muuqda.

Gudoomiye Taabit ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xaruma AMISOM ay ka deganyihiin muqdisho  isagoo sheegay in Garoonka stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Ciidamada Jaalle Syaad ay yihiin meelaha ugu muhiimsan oo ay AMISOM deganyihiin loona baahanyahay in ay ka guuraan oo ay xarumo kale degaan maadama ay yihiin xarumo  dowladeed baahi fara badana loo qabo.

Waxa uu sheegey in AMISOM doorka ay ka qaateyn xasilinta Soomaaliya aanan la qarin Karin balse buu yiri loo baahanyahay in xarumaha dowladda ee loo baahanyahay ay iskaga baxaan.

“Waxaan Madaxda AMISOM Cod dheer kaga codsanaaya in xarumaha aan sheegey ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay iskaga guuraan oo aay deegaano kale ay raadsadaan” ayuu yir Gudoomiye Thaabit.

AMISOM ayaa iyaguna sheegay in ay diyaar ay u yihiin fulinta codsiga kasoo yeeray Guoomiye Taabit oo ay iskaga baxayaan Goobahaasi uu codsaqday Duqa Muqdisho balse ilaa hada wakhti gaar ah ma uusan qabsan.

Shirkaani ayaa waxa uu ka socdaa xarunta Xalane ee ku dhex taallo Garoonka Muqdisho waxaana laga hadlaayey oo diirada lagu saarayey waxqabadka AMISOM iyo doorka ay ka qaataan xasilinta dalka iyadoo lagu wado in maalinta berito ah uu soo gabagaboobo.