Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ku Guuleeystay Shaqo Ay Horey Ugu Fashilmeen Madaxdii Ka Horeysay (Haddaba Waa Maxay?)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku qanciyay ciidanka AMISOM in ay ka baxaan islamarkaana ay shacabka iyo dawladda u faarujiyaan goobaha muhiimka sida Studium Muqdisho iyo kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad.

Isagoo ka qayb galayay shirkii AMISOM iyo dawladda ee ka socday Xalane ayuu duqa magaalada Muqdisho ka jeediyay khudbad qiiro leh, oo AMISOM ku qasabtay in ay ka tanaasulaan aragtidoodii ahayd in ay sii joogaan goobaha istaraatiijiga ah.

Si kastaba ha ahaatee tallaabada uu qaaday guddoomiye Thaabit waxa ay ka dhigan tahay in uu yahay mas’uulkii ugu horreeyay ee gobolka Banaadir matala oo AMISOM ku qanciya ka bixitaanka goobahaas aan soo sheegnay.